U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 158

Al-Baqara 2:158

البقرة

إِنَّ ٱلصَّفَا وَٱلْمَرْوَةَ مِن شَعَآئِرِ ٱللَّهِ ۖ فَمَنْ حَجَّ ٱلْبَيْتَ أَوِ ٱعْتَمَرَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِ أَن يَطَّوَّفَ بِهِمَا ۚ وَمَن تَطَوَّعَ خَيْرًا فَإِنَّ ٱللَّهَ شَاكِرٌ عَلِيمٌ

Macne

158. Dhabtii Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Alle. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beytka (Makkah ku yaal) ama u soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa (buur) dhexdood [32], qofkii iskiis u falana khayr, hubaal Alle waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon.

[32]. Mu’miniinta qaar waxay ka baqeen inay arritani tahay wax ka mid ah dhaqankii jaahiliyadda, markaasuu Alle sheegay in sacyigu ka mid yahay acmaasha diinta. Socodka iyo rucleynta toddobo jeer Safa iyo Marwa dhexooda marka la xajinayo ama la cumraysanayo, wuxuu Alle u sheegay inaysan denbi lahayn dawaafka labadaas buurood dhexdooda, waayo saxaabada qaarkood waxay ka dareemeen culays inay ku sacyiyaan halkaas, waayo waxay ahayd meel uu ka taagnaa sanam, oo waagii jaahiliyadda lagu sacyin jirey, si looga suuliyo dareenkaas buu Alle u soo dejiyey Aayaddaas.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Macne

Safo iyo Marwo waxay ka midyihiin Calaamooyinka (Wayneynta) Eebe ee ruuxii u Xajiya Baydka ama Cumraysta wax ma saarra hadduu ku Wareego Dehexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Eebe wuu ku mahdin wuuna ogyahay.

Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil

Tafsiirrada
Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net