Al-A'raaf 7:180
الأعرافوَلِلَّهِ ٱلْأَسْمَآءُ ٱلْحُسْنَىٰ فَٱدْعُوهُ بِهَا ۖ وَذَرُوا۟ ٱلَّذِينَ يُلْحِدُونَ فِىٓ أَسْمَـٰٓئِهِۦ ۚ سَيُجْزَوْنَ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
180. Alle baa iska leh Magacyada wanaagga iyo quruxda badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa [13]. Waa laga abaal marin doonaa waxay falayeen.
[13]. Ha siin wax tixgelin ah iyo mudnaan oo isaga tag kuwa ku caabuda Alle xusid magacyo aan ku haabboneyn sida Kiristhaanka ugu yeera: aabbe ama eebbe ” iyo mushrikiinta Carbeed ee ugu yeera Laat, Cuzzaa, iyo Manaat, iwm magacyadaasoo aan ku habbooneyn Alle ama kuwa beddela magacyada wanaagsan ee Alle macnahooda ama sifadooda oo ku fasira waxaalo kale sida inay Gacanta Alle ku fasiraan awood, indhahana ilaalin, Imaanashaha Allena, ku fasira imaanshaha Amarkiisa, iwm, taasoo aan bannaaeyn.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa leexin Magacyadiisa, waxaannu ka abaal marin waxay Camal falayeen.
Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net