U bood nuxurka
Suuradda 65 · Aayadda 1

At-Talaaq 65:1

الطلاق

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ إِذَا طَلَّقْتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَطَلِّقُوهُنَّ لِعِدَّتِهِنَّ وَأَحْصُوا۟ ٱلْعِدَّةَ ۖ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ رَبَّكُمْ ۖ لَا تُخْرِجُوهُنَّ مِنۢ بُيُوتِهِنَّ وَلَا يَخْرُجْنَ إِلَّآ أَن يَأْتِينَ بِفَـٰحِشَةٍ مُّبَيِّنَةٍ ۚ وَتِلْكَ حُدُودُ ٱللَّهِ ۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَقَدْ ظَلَمَ نَفْسَهُۥ ۚ لَا تَدْرِى لَعَلَّ ٱللَّهَ يُحْدِثُ بَعْدَ ذَٰلِكَ أَمْرًا

Macne

1. Nabiyow! Markaad furaysaan haween, fura iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka [1], oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada 'muddada ay sugayaan furitaanka kaddib' [2], Alle ka cabsada, Rabbigiin, ha uga saarina (xaasaskiinna) debedda guryahooda, yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan ee la soo ceshan karo) inay la yimaadaan maahee xumaan cad. Kuwaas waa soohdimaha uu dhigay Alle. Qofkii ka tillaaba soohdimaha uu dhigay Alle, wuxuu dulmiyey naftiisa. (Midka furayow xaaskiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Alle dib ka keeno xaal cusub [3].

[1]. Haweeni waxaa bannaan in la furo markuu dhammaado dhiigga caadadeeda oo ka daahir noqoto, ka hor inta aan loo galmoon ama iyadoo uur leh.
[2]. Waa inaan lagu dirqin inay baxaan ama is madax furtaan.
[3]. Sida inay ka xumaadaan waxa ka dhex dhacay ama uu jaceyl hor leh uu galo ninka iyo xaaskiisa oo isku soo noqdaan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Macne

Nabiyow haddaad haweenka furaysaan Cidada ku fura (daahir aan la taaban) Cidadana tiriya, Eebana ka dhawrsada, hana ka bixinina Guryahooda (ay joogeen markay la furayey) iyana yeyna ka bixin (yeyan ka tagin) inay xumaan cad la yimaadaan mooyee, taasi waa xuduudii Eebe, ruuxii ka tallaba xuduuda Eebena naftiisuu dulmiyey, ma ogidin, wuxuu Eebe u dhawyahay inuu ka dib xaal keeno, (jacayl isku noqosho).

Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil

Tafsiirrada
At-Talaaq

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net