U bood nuxurka
Suuradda 6 · Aayadda 52

Al-An'aam 6:52

الأنعام

وَلَا تَطْرُدِ ٱلَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِٱلْغَدَوٰةِ وَٱلْعَشِىِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُۥ ۖ مَا عَلَيْكَ مِنْ حِسَابِهِم مِّن شَىْءٍ وَمَا مِنْ حِسَابِكَ عَلَيْهِم مِّن شَىْءٍ فَتَطْرُدَهُمْ فَتَكُونَ مِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Macne

52. Ha eryin (Nabiyow) kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba, iyagoo dooni Wajigiisa. Waxba kaama saarna [2] Xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, (ee iska jir) inaad eriso, oo sidaas uga mid ahaato daalimiinta.

[2]. Qofna lama weydiinayo camallada iyo niyooyinka qof kale, Aayadaha 52-54 waxay ka hadlayaan fuqurada muslimiinta. markii uu Rasuulka s.c.w. la fadhiistay mu’miniintaa qaarkood, kuwaasoo ay Quraysh u arkeen inay yihiin kuwo liita oo daciif ah iyo masaakiin, waxay madaxdii Quraysh u yimaadeen Nabiga s.c.w. wayse diideen oo iska weyneeyeen inay la fadhiistaan mu’miniintaa, oo u soo jeediyeen inuu eryo si ay ula hadlaan, waxay ku yidhaahdeen haddii aad iska kala eriso, markaa waan ku raacaynaa. markaasaa waxaa soo degay Aayaddan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Macne

Hana Eryin kuwa Baryi Eebahood aroor iyo Galabba iyagoo dooni Wajigiisa waxba kaama saarra Xisaabtooda iyana Xisaabtaada Waxba kama Saarra ood eridid ood ka mid noqotid daalimiinta.

Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil

Tafsiirrada
Al-An'aam

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net