Al-An'aam 6:140
الأنعامقَدْ خَسِرَ ٱلَّذِينَ قَتَلُوٓا۟ أَوْلَـٰدَهُمْ سَفَهًۢا بِغَيْرِ عِلْمٍ وَحَرَّمُوا۟ مَا رَزَقَهُمُ ٱللَّهُ ٱفْتِرَآءً عَلَى ٱللَّهِ ۚ قَدْ ضَلُّوا۟ وَمَا كَانُوا۟ مُهْتَدِينَ
140. Waxaa khasaara dhab ah ku sugan kuwa u dilay carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan darteed [10], xaaraameeyana waxa Alle uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Alle. Way lumeen, mana aha kuwo hanuunsan.
[10]. Waxaa ka mid ahaa Carabta qaar ku sugnaa diintii Ibraahiim. Wuxuu Alle amray Ibraahiim inuu gowraco wiilkiisa Ismaaciil, kaddib waxay ka dhigeen madaxdii hoggaamineysey diintooda arrinka gowraca waxaan caddeyn sababta keentay, ilaa ay la wanaagsanaatay raaceenkoodii inay gowracaan ilmahooda Alle u dhowaansho darteed inkastoo sababta runta ay aheyd inay ka cararayeen faqri iyo ceydh.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Waxaa Dhab u Khasaaray kuwa Dilay Caruurtooda Caqli Xumo Darteed iyo Cilmi la'aan oo Reebay wixii Eebe ku Arzuqay Been abuurasho Eebe Darteed way Dhumeen mana Hanuunsana.
Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net