U bood nuxurka
Suuradda 5 · Aayadda 90

Al-Maaida 5:90

المائدة

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّمَا ٱلْخَمْرُ وَٱلْمَيْسِرُ وَٱلْأَنصَابُ وَٱلْأَزْلَـٰمُ رِجْسٌ مِّنْ عَمَلِ ٱلشَّيْطَـٰنِ فَٱجْتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

Macne

90. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Sideedaba Khamrada iyo qamaarka iyo (wax u hibeynta) sanammada iyo faalku [18] waa qurun camal shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaataane.

[18]. Azlaam: waa fallaar aan lahayn baal ama dhogor ay qaadan jireen dadkii jaahiliyadda waagii jaahiliyadda ay ku qori tuuran jireen markay arrin damcaan, waxay soo qaadan jireen seddex fallaarood: ay midi ku dhigan tahay: fal, midka labaadna ha falin, kan seddexaad: ku celi mar kale. Waxaa la dhigi jirey meel, kaddib lagu xafidi jirey Kacbada. Hadday arrin damcaan waxay amri jireen furahayeenka Kacbada inuu midkood soo qaado, hadday gacantiisa ku soo dhacdo midka ay ku dhigan tahay fal, wuxuu wadanayey howshiisa, haddayse u soo baxdo midka ay ku dhigan tahay ha falin, wuu iska deynayey arrinkaa, hadduu u soo baxona ku celi, wuu ku celinayay qori tuurashada.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Macne

Kuwa Xaqa Rumeeyow Khamrada, qamaarka, Sanamyada «Taagan», iyo Faalku waa uun Xuman (Wasakh) oo Camal Shaydaana ee ka Foogaada inaad Liibaantaan.

Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil

Tafsiirrada
Al-Maaida

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net