U bood nuxurka
Suuradda 5 · Aayadda 45

Al-Maaida 5:45

المائدة

وَكَتَبْنَا عَلَيْهِمْ فِيهَآ أَنَّ ٱلنَّفْسَ بِٱلنَّفْسِ وَٱلْعَيْنَ بِٱلْعَيْنِ وَٱلْأَنفَ بِٱلْأَنفِ وَٱلْأُذُنَ بِٱلْأُذُنِ وَٱلسِّنَّ بِٱلسِّنِّ وَٱلْجُرُوحَ قِصَاصٌ ۚ فَمَن تَصَدَّقَ بِهِۦ فَهُوَ كَفَّارَةٌ لَّهُۥ ۚ وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ

Macne

45. Waxaana ugu qornay (Towraadda): in naf loo qaado naf [15], ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta [16] waxaa loogu dhaafi denbigiisa. Qofkaan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka).

[15]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma bannaana in la daadsho dhiig qof Muslim ah oo qira inuusan jirin la caabude xaq ah aan ahayn Allaah iyo inaan anigu ahay Rasuulkii Alle haddii uusan la iman seddex arrimoood middood: Qof horay u guursaday oo zineysta, ama qof loo dilo qof uu dilay, ama qof ka baxa diinta Islaamka oo ka taga kulanka Muslimka. w.w. Al-Bukhaari.
[16]. Iska saamaxa oo ka tanaasula xaqiisa Alle darti.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Macne

Waxaan ku Faralyeelay korkooda in Nafta (Loo qisaaso) Nafta, ishana Isha, Sankana Sanka, Dhagtana Dhagta, ILigana ILiga, Nabaradana waa laysu Qisaasi, Ciddii iska Sadaqaysata (Samaxda) waxay u Noqon Kafaaro (Dambi Dhaaf) Cidaanse Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebe kuwaasi waa Daalimiin uun.

Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil

Tafsiirrada
Al-Maaida

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net