Al-Fath 48:29
الفتحمُّحَمَّدٌ رَّسُولُ ٱللَّهِ ۚ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ أَشِدَّآءُ عَلَى ٱلْكُفَّارِ رُحَمَآءُ بَيْنَهُمْ ۖ تَرَىٰهُمْ رُكَّعًا سُجَّدًا يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضْوَٰنًا ۖ سِيمَاهُمْ فِى وُجُوهِهِم مِّنْ أَثَرِ ٱلسُّجُودِ ۚ ذَٰلِكَ مَثَلُهُمْ فِى ٱلتَّوْرَىٰةِ ۚ وَمَثَلُهُمْ فِى ٱلْإِنجِيلِ كَزَرْعٍ أَخْرَجَ شَطْـَٔهُۥ فَـَٔازَرَهُۥ فَٱسْتَغْلَظَ فَٱسْتَوَىٰ عَلَىٰ سُوقِهِۦ يُعْجِبُ ٱلزُّرَّاعَ لِيَغِيظَ بِهِمُ ٱلْكُفَّارَ ۗ وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ مِنْهُم مَّغْفِرَةً وَأَجْرًا عَظِيمًۢا
29. Muxammad waa Rasuulka Alle, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda, waxaad arki iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Alle (iyo) Raallinimodiisa. Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Tilmaantooda ku taalna Injiilka waa sida (abuur) la beeray, soo bixisay fiidda, markaas xoogeysatay oo noqotay gahayr, oo ku istaagtay iyadoo toosan salkeeda, farax geliseyna beeroleyda - si uu Alle ugu ciilo (tilmaamahooda) gaalada. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwaa iyaga ah ee xaqa rumeeyey oo samaha falay denbi dhaaf iyo abaal gud weyn 'Janno' [10].
[10]. Tusaalahaa la bixiyey waxaa ku sifoobay Nabiga s.c.w. iyo asxaabtiisa.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Muxammad waa Rasuulkii Eebe kuwa la jirana waa ku daranyihiin gaalada, dhexdoodana way isu naxariistaant waxaad arkaysaa iyagoo rukuucsan oo sujuudsan oo dalbi Deeqda Eebe iyo raalli ahaanshihiisa, Calaamadooduna wajigooday ka muuqataa, Sujuudda raadkeeda darteed, saasaana iagu tilmaamay Tawreed, Tilmaantooda injiilna waxay lamid yihiin Beer soo bixisay fiidda oo xoogaysatay oo si fiican u istaagtay layaabna galisay beertaha, si uu Eebe ugu Cadho galiyo gaalada, Eebe wuxuu u yaboohay kuwa xaqa rumeeyay
Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net