U bood nuxurka
Suuradda 47 · Aayadda 4

Muhammad 47:4

محمد

فَإِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فَضَرْبَ ٱلرِّقَابِ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَثْخَنتُمُوهُمْ فَشُدُّوا۟ ٱلْوَثَاقَ فَإِمَّا مَنًّۢا بَعْدُ وَإِمَّا فِدَآءً حَتَّىٰ تَضَعَ ٱلْحَرْبُ أَوْزَارَهَا ۚ ذَٰلِكَ وَلَوْ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَٱنتَصَرَ مِنْهُمْ وَلَـٰكِن لِّيَبْلُوَا۟ بَعْضَكُم بِبَعْضٍ ۗ وَٱلَّذِينَ قُتِلُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَن يُضِلَّ أَعْمَـٰلَهُمْ

Macne

4. Ee markaad kula kulantaan dagaal gaalada ka garaaca luqumaha; markaad jabisaanna, ku adkeeya xadhigga 'maxaabiista dagaalka' [3], intaa kaddib ku sii daaya axsaan fal [4] ama ha is furteen jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabaddu faafto). Waa sidaase, haddii Alle doono, Isaga Naf ahaantiisa baa ka aarsan lahaa (dagaal la'aan), waase si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale [5]. Kuwa lagu dilaa Jidka Alle marnaba (Alle) ma luminayo camalladooda.

[3]. Inta harta u soo qaata qafaal ahaan.
[4]. Sii daaya idinkoon ka qaadan wax madax furasho ah.
[5]. Ilaa la dhigo hubka iyo qalabka dagaalka, waxaa loola jeedaa ilaa dagaalka ka dhammaado oo nabaddu faafto.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Macne

Haddaad kula kulantaan Gaalada Dagaal Luqunta ka garaaca, markaad sugtaanna ku adkeeya xidhidda, markaas ama iska siidaaya ama haysfurteen, inta Dagaalku ka xasili, xaalku waa saas, hadduu Eebe doonana wuu ka aarsankaraa, hase yeeshee wuxuu saas u falay inuu qaarkiin qaarka kale ku imtixaano, kuwa Jidka Eebe lagu dilana Camalkooda Eebe ma halleeyo.

Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil

Tafsiirrada
Muhammad

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net