U bood nuxurka
Suuradda 4 · Aayadda 92

An-Nisaa 4:92

النساء

وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ أَن يَقْتُلَ مُؤْمِنًا إِلَّا خَطَـًٔا ۚ وَمَن قَتَلَ مُؤْمِنًا خَطَـًٔا فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ وَدِيَةٌ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦٓ إِلَّآ أَن يَصَّدَّقُوا۟ ۚ فَإِن كَانَ مِن قَوْمٍ عَدُوٍّ لَّكُمْ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ ۖ وَإِن كَانَ مِن قَوْمٍۭ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُم مِّيثَـٰقٌ فَدِيَةٌ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ وَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ ۖ فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ تَوْبَةً مِّنَ ٱللَّهِ ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا

Macne

92. Uma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan helin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah [39], u tawbad keen ahaan Alle. Alle waa Wax walba Oge, Xakiiim ah.

[39]. Labo bilood aan kala go’ lahayn marka laga reebo wixii cudur daar leh sida marka ay soo gasho bisha Ramadaan, ama labada maalmood ee ciidda (ciidda soon furka iyo ciidda adxada), ama xagga dumarka markuu ku dhaco xayl, iwm.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Macne

uma habboona (banaana) Ruux Mu'min ah muu Dilo Mu'min si gaf'ah mooyee, Ruuxii u Dila Mu'min Gaf waxaa saaran Xorayn qoor Mu'min, iyo Mag la siiyo Ehelmiisii, inay Sadaqaystaan moyee, hadduu ka midyahay Qoom aad Coltihiin isna Mu'min yahay waxaa Saaran Xorayn Qoor Mu'min, hadduu ka midyahay Qoom ballan, idin dhexyaal waxaa saaran Mag la siiyo Ehelkiisii iyo Xorayn Qoor Mu'min ah, hadduusan helin (Qoorna) wuxuu Soomi Laba Bilood oo Israac raacsan, waana Toobad Eebe, Eebana waa Oge Falsau.

Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil

Tafsiirrada
An-Nisaa

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net