An-Nisaa 4:25
النساءوَمَن لَّمْ يَسْتَطِعْ مِنكُمْ طَوْلًا أَن يَنكِحَ ٱلْمُحْصَنَـٰتِ ٱلْمُؤْمِنَـٰتِ فَمِن مَّا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُكُم مِّن فَتَيَـٰتِكُمُ ٱلْمُؤْمِنَـٰتِ ۚ وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِإِيمَـٰنِكُم ۚ بَعْضُكُم مِّنۢ بَعْضٍ ۚ فَٱنكِحُوهُنَّ بِإِذْنِ أَهْلِهِنَّ وَءَاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ بِٱلْمَعْرُوفِ مُحْصَنَـٰتٍ غَيْرَ مُسَـٰفِحَـٰتٍ وَلَا مُتَّخِذَٰتِ أَخْدَانٍ ۚ فَإِذَآ أُحْصِنَّ فَإِنْ أَتَيْنَ بِفَـٰحِشَةٍ فَعَلَيْهِنَّ نِصْفُ مَا عَلَى ٱلْمُحْصَنَـٰتِ مِنَ ٱلْعَذَابِ ۚ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَشِىَ ٱلْعَنَتَ مِنكُمْ ۚ وَأَن تَصْبِرُوا۟ خَيْرٌ لَّكُمْ ۗ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
25. Ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah [23], Alle isagaa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa kala bar ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Arrinkani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco denbi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
[23]. Shareecada islaamka way ku bannaan tahay guursiga addoonta markay kaamil noqoto shuruudda lagu guursan karo.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Ruuxaan Karin oo idinka mid ah Awood uu ku Guursado Haweenka Dhawrsoon ee rumeysan (Xaqa) ha Guursado waxay hanatay Gacmihiin nu oo ah Gabdhaha Rumeysan (Xaqa) Eebana waa ogyahay limaanskiina, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday, kuna guursada idamka Ehelkooda u Siiyana Ujuurada (Meherkooda) si Fiican, iyagoo Dhawrsoon oo Xumaan (Zino) ka Dheer, Saxiibana yeelanayn, Haddii lagu dhawro (Guur) ooy Xumaan la Yimaadaan korkooda waxaa ah Nus waxa ah kuwa Xorta ah oo Ciqaab ah, Arrintaas waa Ruuxii ka Cabsada Zino, oo idinka mid ah, Haddaadse Samirtaan ya idiin khayr roon, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista.
Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net