U bood nuxurka
Suuradda 33 · Aayadda 37

Al-Ahzaab 33:37

الأحزاب

وَإِذْ تَقُولُ لِلَّذِىٓ أَنْعَمَ ٱللَّهُ عَلَيْهِ وَأَنْعَمْتَ عَلَيْهِ أَمْسِكْ عَلَيْكَ زَوْجَكَ وَٱتَّقِ ٱللَّهَ وَتُخْفِى فِى نَفْسِكَ مَا ٱللَّهُ مُبْدِيهِ وَتَخْشَى ٱلنَّاسَ وَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَىٰهُ ۖ فَلَمَّا قَضَىٰ زَيْدٌ مِّنْهَا وَطَرًا زَوَّجْنَـٰكَهَا لِكَىْ لَا يَكُونَ عَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ حَرَجٌ فِىٓ أَزْوَٰجِ أَدْعِيَآئِهِمْ إِذَا قَضَوْا۟ مِنْهُنَّ وَطَرًا ۚ وَكَانَ أَمْرُ ٱللَّهِ مَفْعُولًا

Macne

37. (Xusuuso, Nabiyow) markaad ku tidhi kan uu Alle u nicmeeyay [27] adiguna aad u nicmaysay: Heyso xaaskaaga, Alle ka cabso; waxaadna ku qarisay naftaada wuxuu Alle debedda keenayo, adigoo ka baqaya dadka, Alle baase mudan inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay) baan (Nabiyow) kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) xaasaska kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen 'oo iskood u fureen' [28]. Amarka Alle waa mid abad fula oo hirgala.

[27]. Waxay tilmaameysaa Addoonkii Nabiga s.c.w. uu xoreeyey, Zayd bin Xaarithah a.k.r.
[28]. Arrinkani waa si loo caddeeyo in uu nimi guursan karo haweeney uu horey u qabay wiil uu soo korsaday ha yeeshee uusan dhalin.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Macne

(xuxuuso) markaad ku lahayd kuu Eebe u Nicmeeyey, adna aad u nicmaysay (Zayd BinuXaarithah) hayso Haweenaydaada Eebana ka yaab, Naftaadana aad ku Qarinaysay wax Eebe Muujin, ood kana cabsanaysid Dadka (xishoonaysid) Eebaana u muta in laga cabsado (lagana xishoodo) markuu Zayd dantiisii ka dhamaaystayna (isfureenna) aan kuu guurinay si ayan wax dhib ah u ahaanin Mu'miniinta (hadday guursadaan) Haweenka ay fureen kuway Wiilal ka dhigteen (iyagoo dhalin) amarka Eebana waa kii la Fuliyo.

Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil

Tafsiirrada
Al-Ahzaab

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net