U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 194

Al-Baqara 2:194

البقرة

ٱلشَّهْرُ ٱلْحَرَامُ بِٱلشَّهْرِ ٱلْحَرَامِ وَٱلْحُرُمَـٰتُ قِصَاصٌ ۚ فَمَنِ ٱعْتَدَىٰ عَلَيْكُمْ فَٱعْتَدُوا۟ عَلَيْهِ بِمِثْلِ مَا ٱعْتَدَىٰ عَلَيْكُمْ ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلْمُتَّقِينَ

Macne

194. Bisha xurmadda gaarka ahi leh (dagaalka la idinku soo qaado) waxaa laga hortegi isla bishaa xurmadda gaarka ah leh, dhammaanna waxyaalaha xurmadda gaarka ahi lihi qisaas baa ah. Qofkii idin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay oo kale [47]. Alle ka cabsada, oo ogaada inuu Alle la jiro kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarradiisa).

[47]. Haddii la soo wareero muslimiinta bilaha leh xurmmadda gaarka ah ee dagaalku caaggan yahay (waa Muxarram, Rajab, Dul Qacdah, iyo Dul Xijjah) markaas waxaa u bannaan inay ka hortagaan weerarka isla bilahaas.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Macne

Bisha Xurmaysan (dagaalkeeda) waxaa laga horgayn bisha Xurmaysan, waxyaalaha xurmaysanna Qisaasbaa ah, ee ciddii idinku xadgudubta ku xadgudba «ku abaal mariya» intuu idinku xadgudbay wax la eg, Eebana ka dhawrsada, ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada.

Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil

Tafsiirrada
Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net