Al-Baqara 2:143
البقرةوَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَـٰكُمْ أُمَّةً وَسَطًا لِّتَكُونُوا۟ شُهَدَآءَ عَلَى ٱلنَّاسِ وَيَكُونَ ٱلرَّسُولُ عَلَيْكُمْ شَهِيدًا ۗ وَمَا جَعَلْنَا ٱلْقِبْلَةَ ٱلَّتِى كُنتَ عَلَيْهَآ إِلَّا لِنَعْلَمَ مَن يَتَّبِعُ ٱلرَّسُولَ مِمَّن يَنقَلِبُ عَلَىٰ عَقِبَيْهِ ۚ وَإِن كَانَتْ لَكَبِيرَةً إِلَّا عَلَى ٱلَّذِينَ هَدَى ٱللَّهُ ۗ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُضِيعَ إِيمَـٰنَكُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِٱلنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ
143. Sidaasaan idiinka dhignay ummad dhexdhexaad (caadil) ah, si aad marag uga ahaataan dadka [27], iyo (si) uu Rasuulku marag idiinka ahaado. Kamana aanaan dhigin qibladdaad qaabili jirtay, waxaan ahayn inay kala muuqato qofka raaca Rasuulka iyo kan cirbihiisa rogta (gaalooba). Waxayna aheyd wax ku adag marka laga reebo kuwa uu hanuuniyey Alle. Allena ma aha mid ajar tiraya iimaankiinnii (salaadahiinnii hore). hubaal, Alle dadka waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay.
[27]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi waxaa loo yeedhi Nuux c.s.Maalinta Qiyaamaha oo dhihi: Waa I kan oo adeeggaaga ahay, khayr oo dhanna waa xaggaaga Rabbiyow. Alle wuxuu odhan: Ma gaarsiiyey Fartiinteydii ummaddaadii? Wuxuu odhan: Haah. Waxaa la weydiin doonaa ummaddiisa: Miyuu idin soo gaarsiiyey Fartiinteydii? Waxay ku jawaabi: mayee, nooma iman wax dige ah. Alle wuxuu ku dhihi Nuux: Yaa haddaba kuu markhaati ah? Nuux wuxuu odhan: Muxammad iyo ummaddiisa, markaasay uga marag kacayaan inuu gaarsiiyey Fartiintii Alle, Rasuulkuna s.c.w. idinku marag furi idinka, waana sidaas Qowlka Alle : "Waa si aad ugu ahaataan marag dadka, Rasuulkuna (Muxammad s.c.w.) ugu ahaado marag korkiinna". W.w. Al-Bukhaari.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
saasaan idinka dhignay umad caadil (khayr ah) si aad marag ugu noqotaan Dadka, Rasuulkuna idiinku noqdo markhaati, mana aa naan yeelin Qibladii aad qaablijirtay inay kala muuqato ruuxa Rasuulka raaca iyo kan dib u noqon (Gaaloobi) mooyee waana arrin kuweyn Dadka marka laga reebo kuwa Eebe hanuuniyey, Eebana ma dhumiyo limaankiinna (Salaadiina) Eebana waa u Naxariisbadanyahay Dadka.
Macne: Somali Translation - Mahmud Muhammad Abduh. As distributed by the Tanzil Project (last update August 16, 2010), whose terms for its translations are for non-commercial use only. Nooca 2010-08-16, 2010-08-16. Tanzil
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net