U bood nuxurka
Suuradda 107 · 7 aayadood · Makki

Al-Maa'un

الماعون

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ

    1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).

  2. فَذَٰلِكَ ٱلَّذِى يَدُعُّ ٱلْيَتِيمَ

    2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan [1].

  3. وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ

    3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka [2].

  4. فَوَيْلٌ لِّلْمُصَلِّينَ

    4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),

  5. ٱلَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ

    5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).

  6. ٱلَّذِينَ هُمْ يُرَآءُونَ

    6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.

  7. وَيَمْنَعُونَ ٱلْمَاعُونَ

    7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

7 aayadood

Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net