Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado- isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Muslimku waa Qofka ay Mslimiintu ka nabad galeen Carabkiisa iyo Gacantiisaba, Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Muslimka Islaamnimadiisu kaamilka tahay uu yahay midka Muslimiintu ka nabad galaan Carabkiisa ee aan caayin, oo nacaladin, oo xamanin, oo dadka la dhex qaadin wax dhib ah oo uu ka gaysto carabkiisa. Muslimiintuna ka nabad galaan Gacantiisa oo aan ku xad gudbin, oo aan ku qaadan xoolahooda xaq daro, iyo wixii la mida. Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada waxa uu Ilaahay ka xarimay.
Faa’iidooyin
kaamilnimada Islaamka la ma gaaro in dadka dhibka laga daayo si Maadi ahaana iyo macnawi ahaanaba mooyee.
Carabka iyo Gacanta waxaa si gaara loogu xusay, gafkooda iyo dhibaatadooda oo badan, waayo sharta ugu badan iyagay ka timaadaa.
waxaa la isku boorinayaa in laga tago macaasida oo lagu sugnaado wixii Ilaahay faray.