Qofkii habeenka Laylatul Qadarka Salaatu Layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «مَنْ يَقُمْ لَيْلَةَ الْقَدْرِ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ»
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Qofkii habeenka Laylatul Qadarka Salaatu Layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay fadliga Habeenka Laylatul Qadrigu leeyahay, Habeen kaasoo ku jira tobanka u dambeeya Ramadaanka, Qofka Habeenkaa ku dadaala Salaada, ducada, akhrinta Qur'aanka, xuska Ilaahay, isagoo rumaysan Habeenkaa iyo fadligiisa, oo ka rajaynaya camalkiisaa in Ilaahay ajar ka siinaayo, ee aan ula jeedin is tustus iyo ha lugu maqlo, waxaa loo dhaafaa dambigiisii hore.
Faa’iidooyin
Xadiiska waxaa ku sugan Habeenka Laylatul Qadriga fadligiisa, iyo dadka oo lagu dhiiri galiyo inay Salaad u istaagaan.
Camalka suuban lama aqbalo in Niyo run ah la jirto maahee.
صحيح البخاري (1/ 16) (35).
صحيح مسلم (1/ 523) (760).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (14/ 435).
بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 337).
نزهة المتقين، (2/ 846).
شرح النووي على مسلم (6/ 40).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 220).
شرح صحيح البخاري، لابن بطال (4/ 21).